Akhriso:-Maxaad Ka Taqaan Mas’uuliyiinta Miiska u Saaran Farmaajo iyo Kheyre in Ay Xilka Ka Qaadan?

0

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa todobaadkii aynu soo dhaafnay xilalka ka qaaday taliyayaaasha Ciidamada Booliska,Nabad Sugida, Xoogga dalka Soomaliyeed iyo Asluubta Soomaliyeed, iyadoo la magacaabay Taliyayaal Cusub oo la sugayo In ay isbadal ku sameeyeen amniga dalka.

Waxaa la rumeysan yahay in ay jiraan mas’uuliyiin kale oo todobaadyadda soo socda laga qaadi doono xilalka ay hayaan, waana isbadalka uu wadda Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

Mas’uuliyiinta miiska u saaran Madaxweyne Farmaajo iyo Raisulwasaare Kheyre in Ay xilka Ka qaadan ayaa waxaa kamid ah sida naloo xaqiijiyay 1-Xeer ilaaliyaha qaranka Soomaaliyeed Dr Axmed Cali Daahir,2-Hanti dhowraha guud ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale,3-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Ibraahin Iidle Saleebaan,4-Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada Qalabka sida Gaashaanle Aadan Abuukar Maxamed,5-Taliyaha laanta Socdaalka iyo jinsiyadaha General Maxamed Aadan Koofi oo isbadal muuqda ku sameeyay howlaha Garoonka magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiintaan ayaa xilalka loo magacaabay Dowladdii uu Hogaaminayay Madaxweynihii Hore ee Soomliya Xasan Shiikh Maxamuud, mudadii ay xilalka hayeen ayaa qaarkood waxaa lagu eedeeyay in ay si waanaagsan u gudan waayeen shaqooyinkii loo ikmaday, qaarna ay si kale u adeegsadeen xilalkooda

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here