Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Magacaabay Maareeyaha Dekadda Magaalada Muqdisho, iyo Maareeyaha Garoonka Magaalada Muqdisho.
Maareeyaha Dekeda Magaalada Muqdisho ayaa waxaa loo magacaabay Axmed Washington oo ah aqoonyahan Soomaliyeed, wuxuuna badalay maareeyihii hore C/llaahi Cali Nuur oo mudooyinkii dambe xilkaan hayay.
Waxaa kaloo la magacaabay Maareeyaha Garoonka diyaaradaha Magaalada muqdisho Yuusuf Cabdi Cabdulle oo lagu naaneeso Yuusuf Jaalle oo ahaa madaxii Ololaha doorashada Madaxweyne Maxamed C/laahi maxamed Farmaajo.

