Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Magacaabay taliye ku-xigeenka Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed kadib magacaabistii Taliyaha Nabada Sugida.
Taliye ku-xigeenka Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed waxaa loo magacaabay C/fitaax Ibraahim Shaaweey, oo mudooyinkii ugu dambeeyay kamid ahaa Saraakiisha Ciidamada Nabad Sugida.
Arintaan ayaa timid kadib markii Maanta kulankii Golaha Wasiiradda Xukuumada Federaalka Soomaliya lagu magacaabay taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed oo loo magacaabay C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), waxaa mudooyinkii dambe hayay xilka Hay’adda Nabad Sugida C/laahi Gaafow Maxamuud.

