Kooxo hubeysan oo watay labo gaari oo kuwa Raaxadda ah ayaa rasaaseeyay gaari ay la socdeen Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Milatriga Dowladda Federaalka Soomaliya oo marayay Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.
Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaliya oo la hadlay idaacadda Simb aya sheegay in gaariga la weeraray uu marayay Wasaaradda Gaashaandhiga horteeda islamarkaana ay rasaaseen kooxo hubeysan oo watay labo gaari oo kuwa Raaxadda ah, labada gaari ayuu sheegay in ay ahaayeen nooca aan laheyn aqoonsiga ama Taarikadda.
Waxa uu hadalkiisa ku daray Sarkaalkaan ka Tirsan Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya in 4-sarkaal weerarkas lagu gaarsiiyay dhaawacyo culus ayna haatan yihiin kuwa garaab, islamarkaana haatan la geeyay goobaha Caafimaadka.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ay jiraan howlgalo weerarka kadib la fuliyay oo lagu soo qabtay dad aad u fara badan oo lagu tuhmaayo in ay wax ka ogaayeen weerarka lagu qaaday Sarakiisha ka Tirsan Ciidamada Dowladda Soomaliya.
Sanadkii aynu soo dhaafnay ayaa weerar lagu dilay Taliyihii Guutadda 6-aad ee Ciidanka Milatariga Dowladda Soomaliya jeneraal Goobaale waxa uu ku dhacay isla wasaaradda Gaashaandhiga Horteeda, waxaana sheegtay Mas’uuliydiisa Al-shabaab.
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan.

