Kooxo hubeesan oo ku libisan deriiska ciidanka dowladda soomaaliya ayaa wadada u galay gaadiid ay saarnaayeen dad shacab ah oo kasoo amba baxay degmada mahadaay ee gobolka shabeeladda dhexe
Mid kamid ah dadkii saarnaa gaarigii wadada loo galay ayaa idaacada simba ee magaalada muqdisho u sheegay in gaarigii uu saarnaa aay rasaas ku fureen kooxaha hubeesnaa isla markaasna garigii sidaasi uu ku joogsday.
Waxa uu sidoo kale simba u xaqiijey in dableedaasi aay wateeyn gaari nuuca raaxada ah isla markaasna aay ka reebteyn shan haween ah oo gaarigaasi saarnaayen kadib markii aay rasaasta ooda kaga fureyn
asigoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegey in aay gaariga ku saarnaayeen ilaa 23 ruux ayna kusii jeedeyn magaalada jowhar ee xarunta shabeelada dhexe.
ilaa iyo haatan lama oga waxa aay ku dambeeyaan haweenkii aay dableedaasi qabsadeyn

