Madaxweynaha maamul goboleedka jubaland mudane axmed maxamed islaam axmed madoobe ayaa goordhaweyd furay kala fadhiga 2 aad ee baarlamaanka jubba-land kala fadhigaan ayaa lagu dhaariyey 2 xildhibaan oo ku biiray golaha baarlamaanka jubaland kadib markii 2 xildhibaan oo jubaland ka tirsanaa loo doortay aqalka sare.
Xildhibaanada aqalka sare loo doortay oo ka tirsanaa baarlamaanka jubaland ayaa waxay kala ahaayeen xildhibaan Iftin Baasto iyo xidhibaan Cabdixafiid Bulsho waxaane booska ay baneeyeen loo dhaariyey xildhibaan Ibraahim Xuseen oo baday xildhibaan Iftin Baasto iyo xildhibaan Cabdi Keeroow oo badalay xildhibaan Cabdixafiid Bulsho.
Kulanka baarlamaanka jubbaland ayaa ila haatan ka socdo xarunta baarlamaanka jubaland ee magaalada kismaayo.

