Ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa lasoo warinaayaa in dhaq dhaqaaqyo ciidan ay halkaasi ka wadan .
Dhaq dhaqaaqyadaan ayey sheegeyn ciidamada itoobiyanka in ay ku sugaayaan amaanka degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.
Inkastoo dadka shacabka ee ku dhaqan degmada ceelbuur ay cawashooyin fara badan ay ka tabanaayaan ciidamada itoobiyaanka ee qeybta ka ah howl galka nabadeenta gayiga soomaaliya ee AMISOM xili dhawaan degmadaasi ciidamada itoobiyaanka ay ku gowraceyn afar odayaal oo ka tirsnaa dadka deegaanka ceelbuur ee goblka galgaduud.
Waxaane mararka qaar dhacda in markay howl galada ay sameynaayn ciidamada itoobiyaanka dadka deegaanka ay isaga baxaan dagmadaasi si ay kaga nabad galaan ciidamaadsi.
Ciidamada itoobiyaanka ayaa kamid ah ciidamada midowga afrika ee howl galka nabadeynta soomaaliya u jooga.

