War Deg Deg:-Weerar Gaari Lagu Fuliyay oo Goordhaweyd Ka Dhacay Muqdisho

0

Inta la xaqiijiyay 1-askari oo ka Tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa wax ku noqday kadib mrkii kooxo hubeysan oo watay gaari kuwada raaxadda ah ay goordhaweyd weerar ku qaadeen Ciidamo Fariisin ku lahaa laanta Barwaaqo, degmada Warta nabada ee Gobolka banaadir.

Raga hubeysan ayaa la sheegay in ay wateen gaari nooca Soomalida ay u taqaano Baraado, waxana la xaqiijiyay in rasaas ay ooda kaga qaadeen Ciidamada Dowladda Soomaliya ee ku sugnaa laanta Barwaaqo, degmada Warta nabada ee Gobolka banaadir.

Dhanka kale Ciidamada ka Tirsan Kuwa Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa dhankooda ku jawaabay rasaas,waxaana gabi ahaanba hakad galay dhaqdhaqaaqa isku socodka dadka iyo gaadiidka isgoyska furayaasha.

kooxdii hubeysneed ayaa goobta isaga baxsatay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here