Idaacadda Simba iyo Qaar Ka Mid ah Culumaa-udiinka Soomaaliyeed horraan waxaa ay bilaabeen Barnaamij loogu magic-daray Gurmad iyo Gargaar Walaal looguna gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu ay ku saameeyeen gobolada dalka iyo duleedka Magaalada Muqdisho.
Barnaamijkan Gurmadka ah ayaa waxaa Kaalinta ugu weyn ku leh dhageystayaasha Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho oo iyagu ka qaybqaata Barnaamijka.
Ololaha Gurmadka ah oo bilowday Tobaad ka hor ayaa waxaa Xubno uu ka mid yahay Sheekh maxamuud Aw-cabdulle Cariif iyo Masuuliyiin ka socota Idaacadda Simba ay tageen goobaha ay ku suganyihiin dadka Barakacayaasha gaar ahaan gobaha ay ku suganyihiin dadkii ugu dambeeyey ee kasoo barakaca Abaaraha ka jira gobolada Dalka.
Maanta ayay Mar kale gudigga Ka Kooban culumaa’udiinka iyo Maamulka Idaacadda Simba ay tageen deegaan qiyaas ahaan dhawr KM u jira deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka muqdisho halkaa oo ay ku suganyihiin ay ka muuqato duruuf xooggan oo ka dhashay abaarta Ka jirta goobihii ay ku sugnaayeen.
Xiliigu Waa Qorrax Kuleyl gobta oo ah meel cidlo ahna waxaa jooga dad aad u liita oo duruufta abaartu ay ka muuqato una baahan gacan siin dheeraad ah.
Sheekh Maxamuud Awcabdulle Cariif oo ka mid ah culumaa’udiinka Soomaaliyeed madaxna u ah ololahan gurmadka ah ayaa sheegay in deeqdan ay tahay deeq nuucyo kala duwan isugu jirta laguna wareejiyey dadkii ugu mudnaa deeqdan,waxaana sheekhu uu ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed inay sii wadaan oo ay ka qaybqaataan ololaha gurmadka ah ee loo sameynayo dadka danyarta ah ee abaarta la daalaa dhacaya,waxaana sheikh Maxamuud Awcabdulle cariif uu si gaara ugu mahadceliyey dhageystayaasha Idaacadda Simba ee ka qaybqaatay Barnaamijka gurmadka ah.
Dhinaca kale qaar ka mid ah dadkii maanta deeqda lagu wareejiyey oo iyana la hadlay Idaacadda Simba ayaa sheegay inay aad ugu baahnaayeen deeqdaan loo qaybiyey ayna ka mahadcelinayaan,waxaana ay ugu baaqeen qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.







