Wasiirkii Hore ee Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa maanta xilka ku wareejiyay wasiirka Cusub ee wasaaradda Abdi Faarax Juxa oo dhawaan Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre u magacaabay Xilka wasaaradda.
Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya ayay mas’uuliyiintaan xilalka ku kala wareegeen, waxaana ku sugnaa xarunta waaxyaha Wasaaradda.
Ugu Horeyntii Wasiirkii Hore ee Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in mudadii uu xilka hayay ay wasaaradiisa guulo waa weyn oo la taaban karo ay gaartay, wuxuuna kula dardaarmay wasiirka cusub in uu meesha ka sii wado.
“Maanta waxaan wareejiyay xilka wasaaradda arrimaha gudaha oo aan hayay muddo dhan laba sano iyo laba bil, muddada aan xilkaas hayay wax badana waa noo qabsoomeen in kalana waa noo qabsoomi waayeen,waxaan u mahad celinaya dhamaan shaqaalaha wasaaradda iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed”, ayuu yiri C/raxmaan Odawaa.
“Shaqada baaxadaas leh ma noqon karto dhaliil la’aan, waxaan idinka raali galinayaa wixii aad iga dhibsateen oo aanan marnaba kas u sameeyn waxaana idinka codsanayaa in aad i cafisaan meel kasta oo aad joogtaan”, ayuu hadalkii ku daray Wasiirkii Hore ee Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya C/raxmaan maxamed Xuseen (Odawaa).
Dhanka kale wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Abdi Faarax Juxa ayaa sheegay in uu meesha kasii wadi doono howshii uu muddo dheer soo waday C/raxmaan Odowaa, wuxuuna ugu baaqay shaqaalaha Wasaaradda in ay la shaqeeyaan.

