Kooxo Hubeysan oo Afduubtay Mid kamid ah Wariyayaasha Muqdisho

0

Sida ay inoo xaqiijiyeen Wariyayaal ka Tirsan idaacadda goob-joog FM ee Magaalada Muqdisho kooxo hubeysna ayaa saakay afduubtay Wariye Hanad Ali Guuleed oo xiligaas ku sii jeeday goobtiisa shaqo.

Hanad Ali Guled oo ka Tirsan shaqaalaha idaacadda Goob-joog ayaa sidoo kale maalmahaan waxa uu ka dhex muuqday Barnaamij Lagu Magacaabo Media For Aid oo loogu gurmanayo dadka Abaaraha kasoo barakacay oo uu isagu fikirka lahaa.

Sidoo kale Wariyayaasha idaacadda goob-joog FM ee Magaalada Muqdisho ayaa inoo xaqiijiyay in wariyaha Taleefankiisa gacanta dhowr mar la wacay islamarkaana aan laga jawaabeenin.

Lama ogo cida afduubtay wariyaha iyo halka laga haayo xiligaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here