Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayay wasiirka Cusub ee wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaliya Dr C/raxmaan Ducaale beyle ayaa sheegay In Xukuumadiisa ay la dagaalami doonto barnaamijka Musuq-maasuqa.
Xasan Cali Kheyre Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa sheegay in musuq-maasuqa uu yahay midka dila dowladnimada islamarkaana isaga iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ay isla garteen in ay la dagaalamaan Barnaamijka Musuq-maasuqa.
“Talaabadda ugu horeysa ee aan qaadi doono waa la dagaalanka Musuq-maasuqa,Musuq-maasuqa waa cudurka ugu xun ee ku dhici kara nidaam dowladeed, meeel uu musuq-masuq ka jira nidaam dowladeed kama jiri karo, meel uu Musuq-maasuq ka jira nabad kama jiri karto”, ayuu yiri Raisulwasaare Xsn Cali Kheyre.
Ugu dambeyntii Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ugu baaqay wasiirka Cusub ee wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaliya Dr C/raxmaan Ducaale beyle in uu ka shaqeeyo sidii loogu guuleysan lahaa Barnaamijka Musuq-maasuqa.

