Beyle:-“Wasaaradda Maaliyadda Isla Xisaabtan ayay Ku Shaqeyn Doontaa”,+Dhageyso

0

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle oo maanta xilka la wareegay ayaa sheegay In wasaaradiisa ay ku sifoobi doonto isla xisaabtanka.

Dr C/raxmaan Ducaale Beyle oo maanta xilka kala wareegay Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaliya Maxamed aadan ibraahim (Fargeeti) ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda uu muddo badan lasoo shaqeeyay islamarkaana uu wax badan ka yaqaano howlaha Maaliyadda.

“Waxaan balan qaadayaa in Wasaaradda Maaliyadda ay ku shaqeyso isla xisaabtan, shaqaalaha wasaaradda ayagana waxaa loogu baahan yahay in ay la yimaadan wax soo saar,runtii guulo waa weyn ay gaartay Wasaaradda mudadii uu xilka hayay wasiir Fargeeti”, ayuu yiri Dr C/raxmaan Ducaale Beyle.

Sidoo kale Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa tilmaamay in wasaaradiisa ay shaqaalaysiin doonto dad aqoon leh oo u badan dhalinyaradda haatan kasoo qalab-jabinaysa Jaamacadaha dalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here