War Deg Deg:-Kooxo Hubeysan oo Dil iyo Dhaawac Goordhaweyd Ka Geystay Muqdisho

0

Wararka haatan naga soo gaaraya Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya In kooxo Hubeysan ay gudaha degmadaas goordhaweyd ku dileen xubno ka Tirsan maamulkaas.

Rag hubeysan ayaa la sheegay in ay dileen Xoghayihii Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir C/raxmaan Shiikh axmed Calasow, waxay sidoo kale dhaawaceen Guddomiye Waaxed ka tirsan isla Degmada wadajir ee Gobolka banaadir.

Mas’uuliyiintaan ayaa waxaa weerar ku qaaday kooxo hubeysan xili ay marayeen isgoyska korontada ee Degmada Wadajir ee Gobolka banaadir.

Afhayeenka Maamulka Gobolka banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo goordhaweyd la hadlay idaacadda Simba ayaa xaqiiijiyay dhaawac iyo dilka waxa uuna sheegay in ay baaritaano ku jiraan ayna dib kasoo shaacin doonaan magacyadda mas’uuliyiinta.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here