Taliska Maraykanka ee qaaradda Africa ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa in la siiyo awood dheeraad ah si guul loogu gaaro dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab oo Soomaliya ka dagaalanta.
Marine Gen. Thomas Waldhauser Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa u sheegay suxufiyiinta in loo baahan yahay in Ciidamada Mareykanka la siiyo awood dheeraad ah islamarkaana wax tar leh si guul loogu gaaro dagaalka Al-shabaab.
Sidoo kale Marine Gen. Thomas Waldhauser Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in loo baahan yahay in la kordhiyo dagaalka dhanka Cirka oo Ciidmada Mareykanka ay ku saacidaan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM kuwaasi oo dagaal kula jiro Al-shabaab.
Waldhauser ayaa sheegay in sidoo kale loo baahan yahay in la hubiyo in la balaariyay Howlgalka ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya hadii taasi ay suurta gasho ayuu sheegay taliyaha in ay keeni karto in la wiiqo awoodda xarakada Al-shabaab ee Soomaliya.
Soomaliya waxaa ku sugan Ciidamo Mareykan ah oo ka qeyb qaata dagaalka Lagula Jiro Xarakada Al-shaabab,waxayna dhowr jeer oo hore ay fuliyenen duqeymo lagu dilay saraakiil sare sare oo shabaab ah.

