Madaxweyne Farmaajo oo Golaha Amaanka Ugu Warbixiyay Xaaladda Soomaliya

0

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo ku sugan magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa qadka taleefanka waxa uu ugu qeyb galay shirka Gollaha amaanka oo looga hadlay xaalada bani’aadannimo ee Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu horeyn sheegay in doorashooyinkii dhawaan ka qabsoomay dalka si nabad ah u dhaceen, isaga oo intaa ku darray in taariikhda inta la xasuusto haweenka Soomaaliyeed baarlamaanka ku leeyihiin 30%.
Sidoo kale madaxweynaha Soomaliya ayaa Golaha amaanka ee qaramada midoobay u sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in baarlamaanka Soomaaliya codka kalsoonida siiyaan gollaha wasiirada cusub ee dhawaan lagu dhawaaqay.

‘’Waxaan rajo wanaagsan ka qabaa in baarlamaanka uu meel marin doono gollaha cusub ee wasiirada si aan wada jir u bilaawno howsha la dagaalanka abaarta darran ee dalka ka jirta’’ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Dhanka kale Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa soo hadal qaaday abaarta xoogan ee xiligaan ka jirta Golada dalka Soomaliya taasi oo sababtay in dadka badan ay gaajo u dhintaan

‘’Waxaan si naxriis leh u weydiisaneynaa dhamaan kuwa taageera aritan in ay gacan ka geystaan, ma’aha oo kaliya in ay Soomaalidu xasuusan doonto saacidaadiina, laakiin waxaa ay noqon kartaa arin taariikhi ah’’ ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here