AMISOM oo Lagu Wareejiyay Qalab Fashiliya Qaraxyadda Ismiidaaminta+Sawirro

0

Dowladda Mareykanka ayaa maanta Taliska Midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya ku wareejisay Gaadiid kuwa dagaalka ah oo loogu Talagalay in ay adeegsaan Ciidamada AMISOM.

Gaadiidkaan lagu wareejiyay taliska AMISOM ee Soomaliya ayaa tiro ahaan lagu sheegay 16-gaari waxaa la tilmaamay in ay yihiin Gawaaridaan kuwa Fashilaya qaraxyadda islamarkaana aan saameyn ku yeelan doonin Gawaarida.

Gaadiidka waxaa Taliska AMISOM ee Soomaliiya ku wareejiyay Saraakiil ay wasaaradda Gaashaandhiga Dowladda Mareykanka Soomaliya usoo dirtay.

Qalabka ku xiran Gawaaridaan ayaa la sheegay in uu fashilinayo qaraxyadda kuwa la aaso, kuwa laga hago Ramuud Kontoroolka, kuwa lagu soo xiro Gawaarida oo Al-shabaab ay adeegsadaan Mudooyinkii dambe.

Dowladda Mareykanka ayaa Soomaliya ka Taageeraysa dhinacyadda amniga iyo Hormarka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here