Dooni Lagu Afduubtay Xeebaha G/Nugaal iyo Puntland oo War Kasoo Saartay

0

Degmada Eyl ee Gobalka Nugaal ee Puntland wararka ka imaanaya ayaa ku waramaya in kooxo Burcad badeeda Soomalida ay afduubteen dooni halkaas maraysay.

Kooxdan Hubeysan ee Burcad badeeda Soomalida ayaa waxay doonta oo nooc ganacsi aheyd la sheegay in ay qafaasheen iyagoo ka hor inta aysan ka xeysan ka dejiyey 10 Shaqaale oo doonta la socday oo udhashay Dalka Yemen.

Sarkaal ka Tirsan Hay’adda La Dagaalanka Burcad Badeeda Ee Dowlada Puntland oo Magaciisa ku Sheegay C/raxmaan Maxamuud Xasan ayaa u sheegay Wakaalada Reuters in weerarka ay ka war hayaan oo ay la Socdaan in Xeebaha Degmada Eyl Laga Af-duubtay Doon.

C/raxmaan Maxamuud Xasan oo ka Tirsan Hay’adda la dagaalanka burcad Badeeda Puntland ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlao meesha ay la aadeen Kooxda weerarka fulisey doonida Ganacsi.

Hadal heynta Doonidan la af-duubtay ayaa Aad looga Dareemayaa Degmada Eyl iyo Deegaanada Xeebaha ah ee Ku Dhow.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here