Shirkadda Albeyrak ee maamusha Dekeda magaalada Muqdisho ayaa maanta Guddiga gurmadka Abaaraha dalka ku wareejisay Lacag ay ugu Talagashay wax ka qabashada Abaaraha taasi oo gaaraysa 50-kun oo dollar ah.
Lacagtaan waxaa u godoomay gurmadka Abaaraha dalka Sii hayaha xilka Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Maxamed Cumar Carte, waxa uuna shirkadda laga leeyahay dalka Turky-ga ugu mahadceliyay sida ay ugu damqanayso shacabka Soomaliyeed.
Maamulaha Shirkadda Albeyrak ee laga leeyahay Turkiga oo dhankiisa madasha ka hadlay ayaa sheegay in had iyo jeer Shirkaddu u taagan tahay gurmadka abaaraha iyo wax u qabashada dadka Soomaaliyeed ee abaaraha ay saameeyeen.
Dhanka kale Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah Guddiga gurmadka abaaraha qaran ayaa isna u mahad celiyay shirkadan, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in shirkadaha kale ee dalka ka howl gala inay ku daydaan tallaabada ay qaaday shirkadda Albeyrak oo ay ugu gurmaneyso dadka ay saameeyeen abaaraha.
9-kii bishan ayay aheyd markii Shirkadda Albeyrak ee maamusha Dekeda magaalada Muqdisho ay Guddiga Gurmadka Abaaraha dalka ay ku wareejisay lacag ay ugu talagashay Abaaraha dalka taasi oo gaaraysay 50-kun oo Dollar.




