Iyadoo Ciidamada Niyuu boolis ay gudaha usoo galeen Soomaliya gaar ahaan dhanka Xaduuda ay wadaagan Somaliya Gobolka Bokool, ayaa halkaas waxa ay ka qabteen In Ka badan 30 –ruuux oo shacab ah waxaana ay geeyeen Ithoopiya waxana la sheegey in maalin waliba ay Jirdil ay ugeysaneyaan inta la xaqiijiyay waxaa jirdilkaas u dhintay shan Qof.
Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee caasimada KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya shir Jaraiid Ku qabtey Xildhibaan Idiriis Abdi Dhakhtar Oo ka mid ah Xildhibanada Baarlamaanka Federaaka iyo qaar ka mid ah waalidiintii dhaley Dhalinyaradasi.
Ugu Horeentii Waxa goobta ka Hadley Xildhibaan Idiris waxan Dowlada Ithoopiya Ugu Baaqey in ay Soo daayan dadkaasi mise ay ku soo wareejiyaan Dowlada Federka Soomaliya.
Sidoo Kale waxa Goobta Ka Hadley qaar Ka mid ah waalidiintii dhaley Dhaliyaradaasi waxana ay Baaq ay udireen Xukuumada Faderaalka Soomaliya uu Madaxweynaha ka yahy Maxamed Abdulahi Faramaajo in uu soo daayo Dhalinyaradaasi.
Mah markii Ugu horeysey oo ay Walidiintan ay Baaq ay udiraan Xukuumadda Faderaalka Soomaliya Iyo mida dowlad itoobiya wallow ilaa iyo hada wax jawaab ah aysan Ka bixinin labada Dowladood.

