Kenya oo Shaacisay Waqtiga Dib Loo Bilaabi Doono Duulimaadyada Tooska ee Muqdisho iyo Nairobi

0

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo maanta magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya kula kulmay dhigiisa dalka Soomaliya Maxamed C/laahi maxamed(Farmaajo) ayaa sheegay in laba isbuuc gudahood dib loo billaabi doono duulimaadyada tooska ee Muqdisho iyo Nairobi, iyadoo meesha laga saari doono in lagu sii hakado garoonka ku yaalla magaalada Wajeer ee gobalka Waqooyi bari ee dalka Kenya.

“Waxaan amar ku siinay mas’uuliyiinta ammaanka ee labadeena dal inay si deg deg ah u kulmaan kuna heshiiyaan qaabkii ay u dib ugu billaabi lahaayeen duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi iyadoo duulimaadka ugu horreeyana aan fileyno laba isbuuc gudahood”, ayuu yiri Kenyatta.

Madaxweynaha Kenya ayaa shirkii Urur Goboleedka IGAD ee lagu qabtay magaalada muqdisho sanadkii aynu soo dhaafnay uballan qaaday inay xayiraada duulimaadyada tooska ah qaadi doonto wixii ka billowdo bishii Desember ee sanadkii hore, balse taa ma dhicin, mana jirin wax sharraxaad ah oo laga bixiyay.

Dhanka kale Wasiirka arrimaha dibedda Kenya Aamina Maxamed JIBRIIL ayaa bishii September ee sanadkii hore warfidiyeenada u sheegtay in la qaadi doono xayiraadaasi mar ay Muqdisho uga qeybgeleysay shirka Urur Goboleedka IGAD.

“Waa in meesha laga saaro joojinta diyaaradaha Muqdisho ka baxa ee Nairobi u socda kuwaasoo lagu hakiyo Wajeer balse waa in laga shaqeeyo ammaanka labada garoon Muqdisho iyo Jomo Kenyatta, ka hor inta aan arrintaasi la hirgelinin” ,ayey tiri wasiirka arrimaha dibedda Aamina Maxamed jibriil.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi maxamed Farmaajo ayaa si diiiran u soo dhaweeyay go’aankaasi isagoo sheegay in rajeynayo inuu dhaqangalo laba isbuuc ka dib.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here