Xiliga Madaxweyne Gaas uu Isku Shaandheynta Ku Sameynayo Golihiisa Wasiiradda oo La Ogaaaday

0

Wafdi uu Hogaaminaayo madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta lagu wadaa in ay dib ugu laabtan Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari kadib markii ay soo gaba-gabeeyeen safar muddo todobaad ah qaatay oo uu ku tagay dalalka Itoobiya & Imaaraatka Carabta, isagoo goobahaas kula kulmay madax kala duwan oo ay kala hadleen arrimaha Amniga & Maalgashiga caalamiga ah.

Madaxweynaha Puntland ayaa dalka Isku taga Imaaraatka Carabta u tagay arrimaha la xariira Maalgashi loo raadiyo Puntland, siiba arrimaha ku saabsan dhaqaalaha iyo Heshiis la sheegay in ay Puntland dooneysay in ay la gasho Shirkada DPworld ee dalkaas laga leeyahay taasi oo ka shaqeysay arrimaha dekadaha.

Soo laabashada Madaxweynaha Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ee Boosaaso ayaa ku soo beegmaysa xili tan iyo xalay soo baxday wararka sheegaya in Isku shaandheyn lagu sameyn doono golaha Xukuumada ee Puntland, taas oo lala sugayay golaha Xukuumada Faderaalka si loo ogaado hab qeybsiga xubnaha golaha Xukuumadaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here