Al-shabaab:-“20-askari ayaa Lagu Dilay Qaraxii Ka Dhacay Meel Ku Dhow Madaxtooyada Villa Somalia”,

0

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay galinkii dambe ka dhacay meel ku dhow madaxtooyada Villa Somalia.

Al Shabaab waxay sheegtay in weerarka oo uu fuliyay dagaal yahan naftii hure ah lagu dilay ku dhawaad 20 askari waa sida ay hadalka u dhigeen oo xilligaasi ku sugnaa isku imaatin kuyaal kasoo horjeedka xarunta tiyaatarka.

Sidoo kale Al-shabaab waxa ay sheegeen in weerarkaas dhaawac iyo dhimasho lagu gaarsiiyay saraakiil ka tirsan Nabad sugidda Dowlada Federaalka Soomaliya.

Al Shabaab ayaa ku goodisay in ay sii wadayso weerarada ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka Soomaliya ee la shaqeeya ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee dalka ku sugan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here