Micheal Keating oo Boogaadiyay Doorka Haweenka Laga Siiyay Xukuumadda Cusub

0

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating oo qoraal kooban xafiikiisa kasoo saaray ayaa soo dhaweeyay Golaha wasiirada Cusub ee uu shalay ku dhawaaqay Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali kheyre.

Micheal Keating ayaa sheegay in nidaam wanaagsan loo maray Magacaabista Golaha wasiiradda Cusub ee Xukuumadda Soomaliya islamarkaana Xukuumadda ay xaqiijisay Qoondada Haweenka ay leeyihiin.

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr Keating ayaa si gaar ah u bogaadiyay in Lix haween ay qeyb ka yihiin Golaha Wasiirada, taasoo ah markii u horeysay taariikhda Gole Wasiiro ku yeeshaan tiro intaas ka la eg.

Ugu dambeyntii Waxa uu sheegay in Xukuumadda cusub kala shaqeyn doonaan howlaha hor-yaala iyo xaaladaha dalka ka jira ee ammaanka, horumarka iyo wax ka qabashada abaarta.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here