Qaxooti Soomaaliyeed oo kor u dhaafaya 850 ruux oo si iskooda ah kaga soo laabtay Xerooyinka Dhadaab ee dalka Kenya ayaa soo gaaray gudaha dalka Soomaaliya sida uu sheegay madaxa qaramada midoobay u qaabilsan xafiiska qaxootiga ee UNHCR Mr.Collins Guedje isagoo dhanka kale tibaaxay in inta lagu guda jiray sanadkan oo kaliya qaxooti Soomaaliyeed oo lagu qiyaasay 7,000 oo ruux in ay dalka Soomaaliya soo gaareen.
Madaxa hay’ada qaxootiga ee UNHCR ayaa intaa ku daray in qorshaha uu yahay ka hor dhamaadka sanadkan 2017 in guryahooda loogu soo celiyo 79,000 oo Qaxooti ah.
Dib u soo celinta qaxootiga ayaa imaaneysa kadib markii qaramada midoobay ay soo wajahday dhaqaale darro ka dhalatay in ay diiradda saareen xasaradaha ka aloosan dalalka bariga dhexe iyo dhaqaalihii ay ka heli jirtay dalalka diiqbixiyayaasha oo hoos u dhac weyn uu kuyimid.
Saameynta ugu weyn ee qaxootiga Soomaaliyeed soo wajahday ayaa aheyd in laga jartay cunooyinkii hay’adaha qaramada midoobay ay ka heli jireen iyo adeegyada kale ee laga maarmaanka u ah qaxootiga oo gabi ahaan laga goostay taa oo sababatay in qaxootiga Soomaalida ay wajahaan xaalado adag oo hor leh.
Inta badan qaxootiga ku nool gudaha dalka Kenya ayaa ah kuwo ka firxaday dagaalada iyo shaqo la’aanta ka jirta gudaha dalka soomaaliya.

