Wararka ka imaanaya Magaalada Haregysa ee Caasimada maamulka Somali-land ayaa ku waramaya in Ciidamada Nabad Sugida Magaaladaas ay xabsiga dhigeen Muwaadin ay ku eedeeyeen inuu la magac yahay madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” oo kamid ah macallimiinta dugsiga Nuuradiin ee magaalada Hargeysa ee Caasimada Maamulkaas ayaa xabsiga la dhigay- sababo la xidhiidha magaciisa oo u eg magaca madaxweynaha Maamulka Somali-land.
Maamulka Iskuulka Nuuradiin ee Magaalada haregeysa oo aan la xariirnay ayaa arrinkaas xaqiijiyay, balse waxa ay ka gaabsadeen inay faahfaahin ka bixiyaan xarigaan maadaama weli baadhis ay socoto.

