Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed c/laahi maxamed Farmaajo ayaa Goordhaweyd magacaabay agaasimayaasha Madaxtooyadda,Habmamuuska iyo warfaafinta Madaxtooyadda Soomaliya.
Agaasimaha Madaxtooyadda Soomaliya waxaa loo magacaacabay Abuukar Daahir Cusmaan, Agaasimaha Habmamuuska Madaxtooyadda Soomaliya waxaa loo magacaabay C/laahi yuusuf Maxamed, Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Soomaliya isna waxaa loo magacaabay C/nuur maxamed.
Agaasimaha Madaxtooyadda Soomaliya waxaa tan iyo markii uu Farmaajo la wareegay Madaxtooyadda Soomaliya si KMG ah u hayay Dr. Cali Saciid Faqi oo hore u ahaa Danjiraha Soomaaliya uga wakiilka ah Dalalka Belgium, Holland iyo Luxembourg iyo Ururka Midowga Yurub, waxayna xaruntiisu ahayd magaalada Brussels.
Sidoo kale a agaasimaha Hab Maamuuska Madaxtooyada ama Madaxa Protocol-ka Madaxweynaha waxaa horey loogu magacaabay Siyaad Maxamuud Shire balse wuu iska casilay xilkaas.

