Dekadda Magaalada Boosaaso ee caasimada Gobolka Bari ee Maamulka Puntland waxaa maanta lagu soo bandhigay Markab laga leeyahay dalka Siralanka oo dhawaan ay sii daayeen kooxaha Burcad badeeda Soomaliya oo maalmo ku haystay Magaalada Caluula.
Markabka ayaa muddo saddex cisho ah lagu baarayay dekeda magaalada Bosaaso ee Gobolka bari, kadib markii uu soo baxay shaki ku saabsan inuu markabkaan yahay maraakiibta kala gudbiya mukhaadaraadka hubka iyo xaalufka lagu hayo xeebaha Puntland.
Wariyayaasha ku sugan magaalada Boosaaso ee gobolka ayaa haatan ku sugan Dekadda Magaalada Boosaaso ee caasimada Gobolka Bari ee Maamulka Puntland.






