Maamulka Galmudug ayaa faah-faahin ka bixiyay Gaari Caasi ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lagu qabtay inta u dhaxaysa degmooyinka Cabud-waaq iyo Xanan-buuro oo ka Tirsan Gobolka Galgaduud.
Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir oo warbaahinta kula hadlay Magaalada cadaado oo maanta lagu soo bandhigay Gaariga Caasiga ah ee laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa iyo labada nin ee la socotay ayaa sheegay in howlgal qorshaysan ay sameeyeen Ciidamada galmudug gaar ahaan kuwa Nabad Sugida lagu guuleystay in lagu soo qabto Gaariga iyo labada nin.
Gudoomiye Casir ayaa tilmaamay in gaariga loo waday dhanka A l-shabaab oo ku sugan Degmada Galhareeri ee Gobolka galgaduud islamarkaana la doonayay in lagu waxyeeleeyo shacabka ku nool deeganada maamulka Galmudug.
“Waxaa Magaalada Cadaado lagu bandhigay sida aad u jeedaan labo nin oo watay Gaari caasi ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, ujeedka waxa uu ahaa in lagu waxyeeleeyo shacabka ku nool deeganada maamulka Galmudug, waxaa tani ku amaanay Ciidamada Galmudug gaar ahaan kuwa Nabad Sugida oo 24-saac aynu soo dhaafnay sameeyay Howlgalka Lagu Soo qabtay gaariga iyo ragii la socday”, ayuu yiri Cali Gacal Casir.
Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa ku amaanay Shacabka Galmudug sida ay ula shaqeynayaan Ciidamada Galmudug, wuxuuna ku booriyay In ay sii wadaan garab istaaga.
Xalay aheyd markii gaari caasi ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa iyo labo qof oo la socotay lagu qabtay degmooyinka Cabud-waaq iyo Xanan-buuro oo ka Tirsan Gobolka Galgaduud ee deeganada maamulka Galmudug.

