Waxaa faafaahino dheeraad ay ka soo baxayaan sarkaal ka tirsan ciidamada Amisom oo isku daldalay gobolka gedo habeenki xaley ahaa.
Sarkaal oo ka tirsana ciidamada itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Amisom ee ka howlgelaya Gobolka gedo ayaa isku dilay gudaha degmada Garbahaareey.
Maamulka degmada oo xiriiro ay la sameysay idaacadda Simba ayaa u xaqiijiyay falka uu isku dilay sarkaalka ka tirsanaa ciidamada itoobiya.
Sarkaalkaan oo aan magaciisa la shaacin ayaa isku dhex dilay xerada uu kaga sugnaa degmada Garbahaareey.
Sarkaalkaan aya ala sheegay in uu isku dilay sababo la xariiro kadib marki loo diiday in uu booqasho eheladiisa ugu tago gudaha magaalada Adis Ababa.

