Wasiir Cakuse:-“Somaliland Waa Maamul Goboleed Hoostaga Dowlada Dhexe ee Soomaaliya”+Dhageyso

0

Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Maamulka Somaliland Abdulaahi Maxamed Daahir Cakuse oo warbaahinta kula hadlay Magaalada hargeysa ayaa sheegay in Somali-land ay tahay Gobol kamid ah Soomaliya.

Abdulaahi Maxamed Daahir Cakuse oo lagu tilmaamo in uu kamid yahay Shaqsiyaadka sida weyn ugu dhow Madaxweynaha Maamulka Somali-land Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sidoo kale sheegay inay dhawaan Somaliland ka baaqatay kulan ay dowladda Sacuudiga ku qaban rabtay dalka Uganda, kaasi oo ay ka qeyb gali lahaayeen Maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Sababaha baaqashada ayuu ku sheegay in Maamul goboleedyada kale ee dalka ka jira ay xiligaas ku mashquulsanayeen doorashada Madaxweynaha Soomaliya ee ka socotay Magaalada Muqdisho ee Ccaasimada Soomaliya.

“Shirkii Uganda waxan u tagi waynay waxa ka mashquulay Maamul-Goboleedada Somaliya oo ka qeyb galayay doorashadii Muqdisho ka socotay, marka anagana ma aanan tagin sidas ayaa dib loogu dhigay” ayuu yiri Wasiir Cakuse oo muujiyay in Somaliland ay tahay maamul goboleed hoostaga dowlada dhexe ee Soomaaliya”, ayuu yiri Wasiir Cakuse.

Somali-land ayaa inta badan ku celcelisa in ay ka go’aday Soomaliya inteeda kale inkastoo wali aysan helin wax aqoonsi ah.

https://youtu.be/dB23a856ohg

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here