Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed Maxamed aadan Axmed(Bood) oo ka qeyb galay kulan ay wadayeesheen Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa sheegay in go’aan laga soo saaray dilalka bareerka ay geystaan Ciidamada Dowladda Soomaliya.
Taliyaha ayaa sheegay in ay soo bateen Dilalka ay geystaan Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed, islamarkaaana aysan jirin wax maxkamad ah oo lasoo saaray Ciidamada geysta dilalkaas oo shacabka inta badan lagula kaco.
Waxa uu sheegay in wixii xiligaan ka dambeeyo askarigii dila qof shacab ah in la maxkamadeyn doono laguna fulin doono go’aanadii ay soo saarto Maxkamadda Ciidamada qalabka Sida ee Dowladda Soomaliya.
“Waxaa jira dilal ay geystaan Ciidamada Dowladda Soomaliya oo ka dhaca Magaalada Muqdisho, ha noqdo mid kadis ah, ama mid bareer ah,waxaa la farayaa Ciidamada Dowladda Soomaliya in aysan lidi ku noqonin shacabka Soomaliyeed oo ayaga loogu talagalay in ay xaqiijiyaan amnigooda”, ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed.
Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed Maxamed aadan Axmed(Bood) ayaa sheegay in askar badan loosoo qabtay dilalkii ka dhacay magaalada Muqdisho mudooyinkii dambe ee loo geystay qaar kamid ah shacabka Soomaliyeed, islamarkaana dhawaan Makamadd lasoo taagi doono.
Ugu dambeyntii Taliyaha Ciidamad Xoogga dalka Soomaliyeed Maxamed aadan Axmed(Bood) ayaa digniino u jeediyay Ciidamada ka Tirsan Dowladda Soomaliya ee sida micnada darada ah gawaarida ugu dhex sita gudaha magaalada Muqdisho, islamarkaana amniga Muqdisho wixii haatan ka bilowdo ay la wareegeen Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo kuwa Booliska Soomaliyeed.

