Munaasabado lagu Xusayo 8-da Bisha March oo ku beegan Maalinta haweenka adduunka ayaa haatan ka socota Magaalada muqdisho, Gobolada dalka Soomaliya iyo Guud ahaan Caalamka.
Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa hambalyo ku aadan maalintaan u diray haweenka Adduunka gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa mudan in la raaco wadadooda.
Madaxweynaha ayaa haweenka Soomaaliyeed ku tilmaamay inay yiihiin sida dayaxa oo kale waxayna midaas muujineysaa inuu madaxweynaha qirayo dadaalka ay haweenka soo maaliyeed kasoo mareyn badbaadinta Ummadda Soomaaliyeed xiligii dowladii dhexe.
Taariikhda xuska 8da Maarso, waxaa lagu asteeyay maalintii ugu horreysay ee ay aqoon sadeen reer galbeeka xaquuqda haweenka 1910kii, shirweynihii lagu qabtay magaalada koban-heegan ee dalka Denmark.

