Kooxo Hubeysan ayaa goordhaweyd Jiiradda Macalin Nuur ee Degmada Darkinley ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen askari ka Tirsanaa Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliya.
Askariga la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Feysal Garasow waxa uu kamid ahaa Ciidamada Hay’adda nabad Sugida ee Nisa.
Kooxihii dilka fuliyay ayaa goobta isaga baxsaday sida ay inoo xaqiijiyeen dad halkaas ku sugan, waxaa durbadiiba goobta soo gaaray Ciidamada Dowladda Soomaliya.
Bishaan gudaheeda waxaa Jiiradda Macalin Nuur ee Degmada Darkinley lagu dilay askari kale oo ka Tirsanaa Ciidamada Nabad Sugida.

