Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, oo wareysi gaar ah siiyay wakaaladda wararka AP ee dalka Mareykanka ayaa cambaareeyay xayiraadda Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu saaray 6 dal oo Muslimiin ah, oo Soomaliya kamid tahay.
Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay inuu Cambaareynaayo go’aankaasi kasoo baxay Dowladda Cusub ee Mareykanka waxa uuna tilmaamay in 150 kun qof oo Somali ah inay gacan ka geysteen dhaqaalaha dalka Mareykanka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladiisa ay aad kaga xun tahay tacadiyadda loo geysanayo dalalka gaarka ah oo ay Soomaliya kamid tahay, waxa uuna ugu baaqay dowladda cusub ee Mareykanka in ay ka laabato go’aankaas.
Qoraal gaaban oo ay daabacday Wakaaladda wararka ee AP oo xiganeysa Madaxweynaha Soomaliya maxamed C/laahi maxamed farmaajo, ayaa waxaa lagu sheegay in Farmaajo uu ku dadaali doono sida Somalia looga saari lahaa Liiska 6 dal.
“Waxaa mudan inaan ka hadalno waxtarka dadkeena Soomaalida ah ay ku leeyihiin Mareykanka, halkii aan ka hadli lahayn dhowr qof oo dhibaato sababay,Micno ma keeneyso in dhowr qof dartooda loo cadibo kumanaan qof waxaan ku dadaaleynaa xal u raadinta saameynta uu go’aankaasi ku yeelanaayo dadkeena”, ayuu yiri Farmaajo.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa dhawaan saxiixay sharci dhigaya in Mareykanka laga xayiro 6-dal oo soomaliya ay kamid tahay.

