Umadda Soomaliyeed oo Loogu Baaqay in Ay Sooman Si Ilaahey Abaarta Ugu Dulqaado+Dhageyso

0

Majmaca Hay’adda Culimada Soomaliyeed oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa Umadda Soomaliyeed ugu baaqay in ay 3-maalin Soomaan islamarkaana maalinta sabtida ah ay isku yimaadeen salaad Roob doon ah oo laga oogi doono dhamaan Magaalada Muqdisho iyo Xarumaha Maamul Goboleedyada.

Gudoomiyaha Majmaca Hay’adda Culimada Soomaliyeed Shiikh Bashiir Axmed Salaad oo warbaahinta la hadlay markuu kulankaas soo dhamaaday ayaa sheegay in la go’aamiyay in muddo saddex maalin ah in la Soomo oo malinta arbacadda ka bilaabanayso, islamarkaana maalinta sabtida ah la oogo salaaddaa roob doonka si ilaahey Umaddiisa ugu dulqaado dhibaatada abaarta.

Waxa uu sheegay in talaabadda arintaan lagu sameynayo uu soo saaray Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi maxamed(farmaajo)islamarkaana laga oogi doono dhamaadn xarumaha Maamul goboledyada dalka ka jira.

“Kulan ay Culimadda Soomaliyeed ay maanta Muqdisho ku yeesheen waxa ay ku go’aamiyeen in la towbad keeno, maalmaaha Arbacada, Khamiista, iyo Jimcaha waa la soomayaa, maalinta sabtida-na waa la oogayaa salaadda roob doonka, si umadda ilaahey ugu dulqaado abaarta iyo dhibaatada haysata”,ayuu yiri Shiikh Bashiir Axmed Salaad.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here