Madaxweyne Farmaajo oo Shir Caalami ah Kaga Qeyb Galaya Magaalada Nairobi

0

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed(Farmaajo) ayaa Magaalada Nairobi dalka Kenya dhawaan kaga qeyb gali doona shir ay yeelanayaan Madaxda Urur Goboleedka IGAD kaasoo looga hadli doono arrimaha Qaxootiga Soomaaliya.

Shirkaan ka dhacaya Magaalada Nairobi waxaa iclaamisay dowladda Kenya waana shir gaar ah oo ay yeelanayaan madaxda dowladaha ka tirsan IGAD waxaana diirada lagu saari doonaa Qaxootiga Soomaaliya kadib markii dowladda Kenya ay dhawr jeer cabasho kasoo gudbisay qaxootigaas oo ay sheegtay inay dhibaato weyn ku yihiinn dalkeeda.

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed(Farmaajo) ayaa kal hore Casuumad ka helay Madxweynaha dalka kenya Uhuru Kenyata oo dhawaan ka qeyb galay Caleema-saarkiisa oo Magaalada Muqdisho ka dhacay, wuxuuna madaxweynaha aqbalay ka qeyb galka shirkaas caalamiga ah.

Dhanka kale Hoggamiyaha aqlabiyadda badan ka heysto baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa xalay si rasmi ah uga sheegay xaflad lagu taageerayey dowladda cusub oo ka dhacday caasimadda Kenya ee Nairobi inuu madaxweynaha Soomaaliya Kenya soo booqan doono dhamaadka bishaan.

Wuxuu ballan qaaday Ducaale inay si weyn usoo dhaweyn doonaan madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo wuxuuna ka dhawaajiyey inay dowladda Kenya wanaajin doonto xiriirka labada dowladood ka hor inta uusan madaxweynaha soo gaarin halkaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here