Safiirka isu taga imaaradka carabta u Fadhiyay Soomaaliya Mohamed Al Hammadi ayaa loogu yeeray in uu dib ugu soo laabta magaalada Abu Dubai kadib markii ay dhaceen dibad baxayo lagu codsanyo in dowlada imaaratka ay ka baaqsato dhisidda saldhig military oo ay ku yeelata magaalo xeebeedka berbera oo maamulka Somaliland.
Ilo aan la magacaabin ayaa xaqiijiyay dib u laabashada Mohamed al hamadi ee magaalada abu Dhabi in loo yeeray maalinimadii sabtidi aheyd (March 4) kadib amar ka soobaxay wasaarada arimaha dibadda ee UAE.
Arinkan ayaa imaanaya kadib markii madaxweynaha soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmajo asbuucii hore uu ka codsaday dowlada Saudi Arabia in la joojiyo faragelinta imaaraatka carabta oo an la’dhameystirin saldhiga military ee maamulka Somaliland gaar ahaan magaalada berbera.

