Dowladda Cusub oo Loogu Baaqay in ay Ka Fogaato Khilaafyadii ay Ku Sifooben Dowladihii Ka Horeeyay

0

Madaxweynihii Hore Ee Soomaliya Xasan Shiikh maxamuud oo shalay loo dhaariyay xubinimada Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaliya ayaa ka hadlay khilaafyadii daahshaday dowladihii dalka Soo maray.

Xasan Sheekh Madaxweynihii Hore ee Soomaliya, ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in dadka shacabka Soomaliyeed ay ku sheekeystaan Khilaaf ama muran ka dhex curta Madaxda Qaranka oo isku qabta qodobada qaar, waxa uuna ugu baaqay madaxda cusub ee Dowladda Soomaliya in ay ka fogaadaan waxyaabaha dhibta u keenikara Qaranka, shacabkana niyad jabiya.

“Dowladihii dalka soo maray madaxdii hogaaminaysay waxaa daahshaday khilaafyo keenay in dadka shacabka ay ku sheekeystaan Khilaaf ama muran ka dhex curta Madaxda Qaranka,madaxda cusub waxaa ugu digayaa inay ku sifooban Khilaafyadii ay ku sifooben Dowladihii ka horeeyay waxa uuna ku baaqay in Somalia laga daba geeyo dalalka horumaray.”, ayuu yiri Xildhibaan Xasan Shiikh maxamuud.

Sanadihii dambe dowladihii dalka Soo maray waxay ku sifoobeen qilaafyo soo kala dhexgala Madaxweynaha iyo Raisulwasaaraha,taasi oo ugu dambeyn keenta in Raisulwasaaraha uu meesha ka baxo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here