Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho+Sawirro

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ka mid ah Odayaasha Golaha Dhaqanka Somaliyeed ayaa barqanimadii Maanta kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha Magaalada muqdisho ee aadan cadde.

Wafdigaan waxaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay mas’uliyiin ka Tirsan Dowladda Soomaliya, sida Xildhibaano, wasiiro, iyo saraakiil Ciidamada iyo qaar kamid ah waxgaradka Gobolka Hiiraan ee ku sugan Muqdisho.

Faah faahin badan lagama hayo ujeedada uu Ugaas Xasan Ugaas Khaliif u yimid Magaalada Muqdisho, ee Caasimada Soomaliya balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu u yeeray Madaxweynaha Somaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa horey ugu biya diiday in uu Muqdisho yimaado xiligii uu Xilka Madaxweynaha Soomaliya hayay Xasan Shiikh Maxamuud.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here