Puntland oo Faah-faahin Ka Bixisay Weerar Lagu Qaaday Maxkamadda Darajada koowaad+Dhageyso

0

Maamul Goboleedka Puntland ayaa ka warbixiyay qarax Bam oo lagu tuuray Xarunta Maxkamadda Darajada koowaad ee Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Gudoomiyaha Maxkamada darajada 1-aad Xaaji cabdi Nuur ow Jaamac oo warbaahinta kula hadlay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in rag hubeysan ay bambo gacmeed ku tuureen xarunta Maxkamada xili ay maxkamadda ku sugnaayeen dad aad u fara badan.

“Bambo Gacmeed ayaa lagu tuuray Xarunta Maxkamadda Darajada koowaad ee Magaalada Boosaaso, waxay ku dhacday daarada Maxkamadda dad shacab ah oo gaaraya 5-ruux ayaa ku dhaawacmay, xaaladda haatan way dagan tahay Ciidamada amaanka Puntland ayaa baaritaano xiligaan wada”, ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkamada darajada 1-aad Puntland.

Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada weerarka lagu qaaday Maxkamadda Darajada koowaad ee Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here