Saraakiisha ciidamad Booliska magaalada b/weyne ayaa beeniyay in xiligaani ay jiraan ciidamo boolis ah oo ka cabanaya mushaar la’aan.
Taliyaha ciidanka Booliska b/weyne Korneyl Cali Dhuux Mahad Alle oo la hadlay idaacadda simba ayaa sheeegay in uusan jirin Gadood shaley ka dahcay magaalada B/weyn isagoona tilmaamay in dhamaan ciidamada booliska hiiraan joogo haatan aysan ka cabaneyn arimo mushaar.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada booliska haatan howshooda ay wataan.

