Koonfurgalbeed Oo Sheegtay in ay Qatar ku jirto Nolasha dad abaartu ku saameysay Gobolka Shabeelaha Hoose (Dhageyso)

0

Maamulka Koonfurgalbeed ayaa sheegay in abaarta ka jirto deegaano ka tirsan gobolka shabeelaha hoose ay xaalad xun ku reebtay dadka ku nool gobolkaasi.

Agaasimaha wasaarada Beeraha Maamulka Koonfurgalbeed Cumar Abuukar Jiiraq oo la hadlay idaacadda simba ayaa sheegay in kumanaan qof ay tacbasho beero laheyn sidoo kalena webiga weli uu biyo la’aan yahay waxana uu tilmaamay in xaalad xun ay wajahayaan dadka Abaaruhu ay saameeyeen.

Agaasimaha ayaa sheegay in aysan jirin ha’yado samafal oo caawiya dadka ay abaaruhu saameeyeen waxa uunta tilmaamay in dadka qaar ay Qatar ugu jiraan in ay macluul u dhintaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here