Weerarkaan oo ahaa mid dhaba gal ah ayaa ka dhacay bariga Magaalada jowhar ee gobolka shabeelaha dhexe.
Weerarka waxa ka danbeeyay sida wararku ay tilmamayaan al shabaab waxana ay ku qaadeen gaadiid ay wateen ciidaanka Xooga soomaaliya kuwaa oo marayey inta inta u dhaxeysa deeganada warciise iyo wardhagax oo hoostaga degmada jowhar.
Alshabab ayaa la sheegayin qoryaha garbaha laga tuuro ay la heleen gaari dagaal oo ay saarnayaeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.
Askarta gaariga saarneed aya ala sheegay in qasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray.
Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasada degmada jowhar abshir cadow hiraabe ayaa si koban idaacadda Simba sharaxaad ugu bixiyay qaabka uu weerarka kaga dhacay.

