Maamulka Ahlusuna Waljameca ee Gobolada dhexe oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Si Cad u Sheegay inaysan ka Qeyb gali Doonin Doorasha Madaxweynaha Galmudug ee maalmo ka dib ka dhacaysa Dagmada Cadaado ee Gobalka Galgaduud.
Madaxweyne Ku Xigenka Ahlusuna Waljameca Ee Gobolada dhexe Cabdullaahi Xirsn Diirshe Prof Daacad ayaa u Sheegay simba marka hore in Maamulka Ahlusuna u soo dhaweynayo wada hadalo lagu xalinayo qilaafaadka u dhaxeeya bulshada wada degta deegaanada iyo degmooyinka Gobolada dhexe si meesha looga saaro kala qobqobka ka dhexjira Gobolada dhexe dadka dego.
Madaxweyne Ku Xigenka Ahlusuna Waljameca Ee Gobolada dhexe ayan hordhignay su’aal ah sidee u aragtaan war dhawaan ka soo baxay guddiga doorashooyinka Madaxweynaha Galmudug oo sheegay in Ahlusuna ay ka qebgaleyso doorashada madaxweyaha Galmudug kadib marki uu iscasilay madaxweynihi cabdikariin xuseen guuleed.
Madaxweyne ku xigeenka waxa uu tilmaamay in ahlusuna eysan ku deg degi doonin ka qebgalka doorashada.

