Warbixin ay soo saartay Hay’adda Warbaahineed oo laga leeyahay dalka Germany ayaa lagu sheegay In Al-shabaab ay kaalinta 3-aad ka galeen dagaalyahanada qatarta badan ku haya dunida.
Liiska halkaan Hoose ka Akhiriso
1.Ururka lamagac baxay Qilaafada Islaamka ee (IS ama ISIL)waa urur la’aas aasay sanadii 2004-tii oo dunidu ay ku baraarugtay 2014-kii kadib markii si toos ah loogu dhawaaqay waxaana hogaamiya Abukar al-baqdaadi wuxuuna intiisa badan ka dagaalamaa dalalka Syria iyo ciraaq u jeedkuuda waa in dowlad islaami ah caalamka ay kaga dhawaaqaan waxaana dagaal kula jira dalal quwado sare leh sida America, Russia iyo dowlada Britian.
2.Ururka Abu Sayyaf waa urur jihad doon ah oo ka howlgala dalka Filipino gaar ahaan waxeey ka howlgalaan jaziiradaha Jolo Basilan iyo magaalada Manila oo weeraro ay ka fuliyaan. waxaa la’aas aasay 1991 waxaana dowlada mareynaka ay urur argagixiso u aqoonsatay sanadii 1997-kii.
Ururka Jihaadiyiinta Abu-Suyuf ayaa mas’uuliyadeeda la ahaa weerarkii ugu xumaa ee ka dhacay dalka Filipino kaa oo dhacay sanadii 2004-tii waxaana ku dhintay 166 qufood.
Ujeedkoodu ugu weyna waa in dowlada islaami ah oo madaxbanan laga aas-aaso dalka Philipian waxeyna ka soo horjeedaan diinta masiixiga ah ee Roman Catholica waxaana la’aamin sanyahay in xeriir ay la’leeyihiin Ururka ISIL.
3.Harakat al-Shabaab al-Mijahideen (HSM) waa urur jihaadiyiin ah oo ka howlgala bariga Africa gaar ahaan dalka soomaaliya waxaana sidoo kale weeraro ay ka’fuliyaan dalka Kenya.
Sanadii 2006-dii waxaa ururkan uu la’wareegay koofurta soomaaliya oo ay kamid tahay magaalada Mogadishu waxaana sanadii 2007-dii dagaal la galay ciidamo ka socday dowlada Ethiopia iyo ciidanka dowlada Soomaaliya,waxaa HSM uu imika maamulaa qaar kamid ah gobalada dalka iyo magaalooyin dhaca mi’yiga Soomaaliya.
Waxaa ururkan uu sheegay in ay fuliyaan weeraro is miidaamin ah iyo weeraro ay ku qaadaan magaalooyinka soomaaliya oo dowladu federalka soomaaliya ay maamusho,waxa ururkan tiradooda la’aamin sanyahay in ay gaareyso 7,000 ilaa 9,000 oo xubnood sida warbixinta lagu sheegay.
4.Ururkan waxaa la’yiraahdaa Tehrik-Taliban Pakistan
Tan iyo sanadii 2007 taalibaanka Pakistan ayaa aas-aasay ururo islaamiyiin Sunni ah oo xulafo la’ah Talipan waxeey inta badan ka’dagaalamaan waqooyi bari Pakistan iyo xadka uu la’wadaago dalka Afghanistan.
Ururkan TTP waxeey xeriir weyn la’leeyihiin urur weynaha Al-QACIDA waxeey aamin-sanyihiin Ideology ah in reer galbeedka aysan ku lug lahaan Karin siyaasada dalka Pakistan.
Waxeey fuliyaan weeraro kala duwan oo ay kamid tahay ismiidaamin waxeeyna qaadaan lagu bartilmaameedsanayo shaqsiyaad waxeyna fuliyeen weerarkii lagu qaaday Malala Yousafzi oo ah gabar u dhaq-dhaqaaqda waxbarashada gabdhaha da’da yar.
5.Ururka Jamā’at Ahl as-Sunnah lid-Da’wah wa’l-Jihād oo loo yaqaano caadiyan Boko Haram
waxaa la’aas aasay 2002 waxeynta intooda badan ka’howlgalaan dalka Nigeria magaca “Boko Haram” waxaa la’aamin sanyahay in micnihiisu uu yahay “waxbarashada reer galbeedu waa Dambi” waxey hada weeraro ka geystaan xuduudaha dalka Chad, Niger iyo waqooyiga Cameroon.
Boko Haram waxeey ugu yaraan dileen 15,000 oo shicib ah waxaana dalka Nigeria ka barakacay maaliyiin Nigerian ah tan iyo sanadii 2009.
waxaa ururka ISIL uu doonayaa in xulufo dhaw uu la yeesho Boko Haram waxeyna uruurka Boko Haram dowlda nageria ay ka’aamin-sanyihiin in maamulka dalka nageria wax diin ah in aysan heysan.
Bishii April sanadii 2014-kii Boko Haram waxeey afduubteen 276 gabdho iskuuleey ah oo ku sugnaa iskuul ku yaala dowlada hoose ee Chibok waxeyna la’kulmeen cambaareen dal iyo dibad ah si gab-dhahaas loo sii daayo.
6.Tahrir al-Sham ( oo loo yaqaano Al-Nusra Front)
Waa Urur Al-qaacida oo hore waxaana la’aas aasay 2012 waxaa ku mideyan Syrian Al-qaeda, al-Nusra front,Jabhatu-al Nusra iyo Jabhatu fatax al-shaam oo isbiirsaday sanadii 2016.

waa xubno ka’kala yimid ururo kala duwan waxaana bishii junuary ee 2017 ay ka’go’een ururka ISIL oo xeriir ay la’la’haayeen.
Tahrir Al-Shaam waa ciyaartooy furo u ah dhinaca mucaaradka ku ah dagaalada sokeeye ee ka soconaya dalka Syria oo madaxweynaha dalka Syria Bishaar-al-asad
7.Hizballah ama Hezbollah waa ururka ugu dambeeya ee warbixintan lagu sheegay in ay yihiin kuwa ugu khatarta badan caalamk, ururka Xisbullah waa xisbi- siyaasadeed iyo urur maleeshiyaad shiico ah oo fadhigoodu yahay dalka Lubnaan waxeey la’kulmaan caqabado ka soo wajaha dowladaha caalamiga ah iyo ururuada oo midowga Yurub ay kamid tahay waxeyna ka kooban yihiin military iyo xisbi siyaasadeed hubeysan.
waxaa ururkan Xisbullah la’aas-aasay sanadii 1982 waxaa tabo-bar iyo maal gelin ay ka helaan dowlada Iran si maamulka yahuuda ee Israel ugu jawaaban duulaanka lubnaan ugu imaan kara koofurta dalkaasi,waxaa Xisbullah inta badan gantaalo ay ku tuuraan maamulka Israel iyo saldhigyada reer galbeedka.
Tan iyo markii uu qarxay dagaalka Syria xisbullah waxeey taageero siineysaa madaxtooyada bishaar al-asad waxeyna dalkaasi Syria u dirtay dagaalyano ururkaasi katirsan iyadoo dagaal kula jirta ururada mucaaradka ee ka soo horjeeda maamulka taliska asad.
Waxaa turjumay abdiaziz Hassan Ibrahim





