Michael Keating oo Ka Hadlay Shaqooyinka Horyaala Dowladda Cusub uu Hogaamiyo Farmaajo

0

Denjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaliya Denjire Michael keating ayaa ka hadlay shaqooyinka horyaala dowladda Cusub uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo lasoo dhisay sanadkii dhamaaday ee 2016-kii.

Denjire Michael Keating, ayaa sheegay in Dowlada cusub ee Soomaliya ay ka fursado badan tahay kuwii ka horeeyay waxa uuna farta ku goday in fursada ugu muhiimsan ay tahay inay heysato kalsoonida shacabka Soomaliyeed oo hanan waayeen dowladii hore.

Sidoo kale Denjire Michael Keating wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaliya ayaa ugu baaqay madaxda cusub ee Dowladda Soomaliya in ay talooyin ka qaataan madaxdii ka horeysay si dalka loo gaarsiiyo meel wanaagsan.

Michael Keating, ayaa soo hadalqaaday Ra’isul wasaaraha cusub ee uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo Xasan Cali Kheyre waxa uuna sheegay inay la shaqeyn doonaan.

Keating, waxa uu ku baaqay in Siyaasiyiinta iyo shacabka ay si dhow ula shaqeeyan Ra’isul wasaaraha cusub waxa uuna arrin muhiima ku sheegay in Madaxweynaha Somalia uu ka shanqariyay in sababta uu u xushay Ra’isul wasaaraha ay tahay inay is fahmayaan.

Michael Keating, ayaa sidoo kale Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka faa’iideystaan Dowlada Cusub ee la saadaalinaayo inay ka duwan tahay kuwii hore waxa uuna ku taliyey in Dowlada qudheeda ay garab u noqoto shacabka si loo helo Dowlad iyo shacab ay ka dhexeyso wada shaqeyn.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here