War Deg Deg:-Qarax Goordhaweyd Ka Dhacay Degmada Waabari

0

Wararka haatan naga soo gaaraya Degmada waabari Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in goordhaweyd agagaarka Xarunta UNICEF uu ka dhacay qarax xoogan.

Qaraxa ayaa la xaqiijiyay in uu ku xirnaa gaari uu watay mid kamid ah Ganacsatada Soomaliyeed, oo isla durbadiisa halkaas ku geeriyooday.

Ma Cadda qofka saarnaa gaariga iyo halka uu u shaqeynayay, hase ahaatee waxaa lagu soo waramayaa in gaariga uu bur bur xooggan soo gaaray.

Ciidamada ammaanka Dowladda Soomaliya ayaa goobta gaaray, kuwaasoo wada baaritaano la xiriira qaraxan ka dhacay Degmada Waabari.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here