Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weeraro xalay ka dhacay magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo ee Gobolada bari iyo Mudug ee Maamulka Puntland.
War Al-shabaab ay soo saareen ayaa lagu sheegay in dagaalyahano ka Tirsan shabaab ay weerar gaadmo ahaa ay ku qaadeen bar kontorool oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan maamulka Puntland, waxaana goobta dhacay is rasaaseyn dhexmartay labada dhinac.
Sidoo kale Al-shabaab waxa ay sheegeen in dagaalyahan ka Tirsan Ciidamadooda uu fuliyay weerar lagu dhaawacay Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Cabdi Raxmaan Kilwa.
Ciidamada maamulka Puntland ayaa ka jaawabayay weeraradaas ayaa Howlgalo ka sameeyay Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaso.

