Wararka naga soo gaaraya Isgoyska Ex Control Afgooye ayaa ku waramaya in gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa in uu ku qarxay halkaas.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay Gaairga in ay qabteen Ciidamada ammaanka, kadibna ay qarxiyeen oo uusan geysan wax khasaare ah.
Warar kala duwan oo soo baxaya ayaa ku waramaya in qaraxa uu dhacay xili ay Ciidamada amaanka dowladda Federaalka Soomaliya ay gaariga qabteen islamarkaana ay ku hayeen baaritaan, 4-askari oo ka Tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaliya ayaa la xaqiijiyay in ay halkaas ku dhinteen halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen 3-askari.
Ila haatan ma jirto cid sheegatay Ma’uuliyada qaraxa ka dhacay Isgoyska Ex Control Afgooye






